Kooxaha shuftada badda Soomaalida ayaa sii daayey markab nooca xamuulka qaada oo laga leeyahay wadanka Shiinaha ka dib markii la bixiyey lacag madaxfurasho ah oo malaayiin doolar gaaraysa.

Markabkan oo lagu magacaabo Yuan Xiang ayaa u gacan galey shufto badeeda bishii Novemer ee sanadkii hore waxaana saarnaa 29 shaqaale u dhashay wadanka Shiinaha.Shirkada iska leh markabkaasi oo lagu magacaabo Ningbo Hongyuan Ship Management Ltd, ayaa sheegtey in markabkooda oo ku gooshaya calanka Panama uu hada ka dhaqaaqay xeebaha Soomaaliya gaar ahaan goobtii lagu haystey.

Nin ka mid ah burcad badeeda oo magaciisa ku soo koobay Xuseen oo isagoo ku sugan sida uu sheegay deegaanka Ceeldhanaane ee xeebaha waqooyi Bari ee Soomaaliya ee gobolada Puntland ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in markabka uu hada ka dhaqaaqay xeebtii ay ku haysteen ka dib markii ay siidaayeen saaka ayna tirsadeen lacagtii madaxfurashada aheyd.

Keyse Caamir
SBC News Desk