Kooxaha shufto badeeda Soomaaliya ayaa siidaayey markab ganacsi oo laga leeyahay wadanka Jarmalka oo ay afduub u haysteen ka dib markii la siiyey aduun lacageed oo madaxfurasho ah oo gaaraya 5,700,0000 (Shan milyan & todobo boqol kun oo doolar.

Markabkan oo ah nooca xamuulka qaada oo lagu magacaabo Susan K ayaa ku gooshayey calanka jasiiradaha The Antigua and Barbuda ee dhaca badda Caribbean-ka, waxaase iska leh shirkad laga leeyahay wadanka Jarmalka, waxaana uu u gacan galey burcad badeeda bishii April ee sanadkan.

Shaqaalaha markabka ayaa isagu jira 10 kuwaasi oo u kala dhashay wadamada Ukrainianand Filipin.

“Markabka Jarmalka laga leeyahay hada wuxuu ka dhaqaaqay xeebta, waxaan qaadanay lacag dhan 5,700,0000 (Shan milyan & todobo boqol kun oo doolar oo madaxfurasho ah” sidaasi waxaa ugu sheegay khadka telefoonka wakaalada wararka Reuters nin ka mid ah burcad badeeda oo sheegay in uu ku sugan yahay deegaanka Ras-Guna ee bariga Puntland.

Andrew Mwangura oo isaguna ah sarkaal arimaha baddaha ku xeeldheer ayaa xaqiijiyey siideynta markabkaasi,isagoo sheegay in lacagta madaxfurashada ah lagu bixiyey dekada magaalada Mombasa ee wadanka Kenya, balse aanu cadeyn karin cadadka lacagtaasi.

Markabka ayaa la sheegay in uu hada ku sii jeedo dekada magaalada Jibuuti ee caasimada wadanka Jibuuti sida uu sheegay Mwangura.

Fartuun Cali Axmed
SBC International Jibuuti