Saaka oo jimce ah Magaalada Garoowe xarunta Dowlada Puntland Gaar ahaan Holka Shirarka Jaamacada PSU waxaa ka soconeysa Qaban qaabada gaba gabada Shirka wada tashiga Soomaaliyeed oo labadii maalin ee ugu dambeeyay ka soconayay Halkaasi.

Saraakiisha sar sare ee Xukuumada Puntland tan Dowlada KMG ah iyo weliba xubnaha ka qeyb galaya ayaa ku sii qul qulaya holka lagu qabanayo gaba gabada shirka iyadoona daqiiqada dhow lagu wado in ay si heersare ah u furanto xaflada gaba gabada.

Guud ahan magaalada garoowe ayaa laga dareemayaa maanta sagootis lagu sagootinayo shirka mudada laba maalin ah ka socday iyadoo bulshada magaaladaas ay muujinayan isu soo bax nabadeed oo ku aadan sidii loo sagootin lahaa shirka iyo madaxda sar sare ee DKMG ah iyo wafuudooda.

Sikastaba ha ahaatee waxaa la filayaa kulankii mudada ay u fadhiyeen xubnaha ergeyda soomaaliyeed in ay ka soo baxaan qodobo muhiim ah oo dan u ah umada soomaaliyeed.

SBC International Garoowe