Waxaa si toos ah uga socota magaalada Garoowe xarunta Dowlada Puntland gaar ahan xarunta Bsu ee magaaladaas xaflad si toos ah loogu furayo qeybtii labaad ee shirkada wada tashiga Soomaaliyeed .

Waxaa halkaasi ka hadlay Madaxda halkaso goob jooga ah sida kuwa DKMG ah, Dowlada Puntland iyo weliba wafuudii ka soo qeyb gashay.

Ugu horeyn waxaa hadlay Gudoomiyaha Baarlamanka DKMG ah SHariif Xasan Sh Aadan waxaana uu si toos ah u furay kulanka labaad ee Wadatashiga Soomaaliyeed.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Raiisul wasaaradaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Dr C/wali Gaas, isagoona halkaasi ka jeediyay qudbad ku kala baxaysay afka Soomaliga iyo Afka English-ka taasi oo u ku taabtay dhinacyo badan oo xaalada Soomaaliya ay ku jirto ku aadan .

Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa isna halkaasi ka jeediyay qudbad aad u xeersaresay, isagoona ku tilmaamay kulankan mid beeninaya, hadii la lahaa soomaaliya laguma qabankaro shir soomaali ku wada tashaneyso.

Waxaa sidoo kale ku sugan Fadhiga Shirkan wafuud sare oo ka kala socota Q M, wasiiro ka socda Wadamada Deriska Sida Dalka jabuuti, iyo weliba Mdaaxda Maamul goboleedyada.