Shirkii Wadatashiga Soomaalida eek a soconayay Magaalada Garoowe xarunta Puntland ayaa Habeenimadii xalay saqdii dhexe la soo gaba gabeeyay iyadoona lagu gaaray Heshiis dhameystiran sida ay xafladaasi ka sheegeen masuuliyiintii ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Puntland kan DKMG ah iyo weliba kan Galmudug.

Waxaa ka dhacday Holka shirarka PSU ee uu ka dhacayay Shirka wadatashiga 3dii maalin ee ugu dambeysay Xaflad aad u sareysay taasi oo Afmeer u aheyd kulankii wadatashiga ee lagu magacaabay garoowe 2.

Halkaasi waxaa ku sixiixay Mabaadi’dii lagu heshiiyay masuuliyiinta Soomaalida, iyadoona la gaaray heshiis ku aadan nidaamka Dalka, oo ku saleysan Dastuurka iyo weliba nooca Xukuumada la dhisidoono sida Baarlamanka .

Waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Puntland Dr Faroole oo isagu ugu horeyn sheegay in Garoowe 2 uu soo gaba gaboobay islamarkaana lagu gaaray Is afgarad wanaagsan oo umadda hortooda lagu sixiixay.

Madaxweynaha FKMG ah Shariif Sh Axmed ayaa isna sidoo kale halkaasi ka sheegay in ay ku balabeen dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay sida ugu dar darta leh ay ku hirgeliyaan islamarkaana la ilaaliyo heshiiska halkaas lagu wada sixiixday .

Masuuliyiinta kale ee Xukuunada DKMG ah sida raiisul wasaaraha, gudoomiyaha Baarlamanka, maamulka Galmudug iyo weliba Q M ayaa iyana halkaasi ka sheegay in uu guuleystay Shirka wadatashiga wejigiisa labaad islamarkaana lagu gaaray Heshiis sida la rajeynayo dan u ah Umada Soomaaliyeed uuna yahay mid taariikhi ah.

Daawo Sawirada|




Filo Sawiro kale oo Badan.