Waxaa si toos ah ugaga Furmay magaalada London xarunta Dalka Ingiriiska Shirkii loogahadlayay Arimaha Soomaaliya Yabooh lacageedna loogu ururinayay .

Shirkan waxaa ku sugan dowlado 50 ah oo caalamka ku yaala wakiil iyo madaxdooda kuwaas oo daneeya Dib isu taagista Qaran nimadii soomaaliya .

Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Midowga Yurub, Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay Masuuliyiin ka socda.

Waxaa ugu horeyn shirkaasi Furintaankiisii Qudbad ka jeediyay Raiisul wasaaraha Dalkaasi Ingiriiska Mr David Cameron, waxanu sheegay in dowlada Soomaaliya iyo caalamkuba ay muhiimad u leedahay Nabadda Soomaaliya isagoo amaan u jeediyay Xukuumada Haatan ka jirta Soomaaliya ee uu horkacayo MAdaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Waxa uu Sheegay in Xasan Sheekh uu ku soo beegmay Xili adag balse ay muuqaneyso dadaal badan oo ay sameysay dalalka uu ka mid yahay dalkiisuna loogaga baahan yahay in ay gacan qabtaan .

Arimo kale oo badan ayuu soo hadal qaaday David Camerom taas oo taabaneysay dhinacyo badan oo Amaanka, Horumarka iyo Ladagaalanka waxyaabaha loogu yeero argagixisada iyo Burcad badeeda ka mid yihin .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna ku xigay Raiisul wasaare Cameron Waxaana uu halkaasi ka jeediyay Qubad dhinacyo badan taabaneysay isagoona mahad celin balaaran u jeediyay Dowlada Britain iyo wadamo kale oo caalamka ah kuwaas oo cagan weyn ka siiyay dhinacyo badan Xukuumadiisa .

Shirkan aya alagu wadaa in uu sii socdo saacadaha soo socda hadalana ay ka soo kala jeediyaan wafduuda ku sugan ee ka qeyb galaya, ayna ka soo baxaan qodobo waaweyn oo Soomaaliya Dan u ah.

Waxii ku soo kordha wararkayaga dambe kala soco.