Wararka Naga Soo Gaaraya Magaaladda Garowe ee Caasimadda Puntland Ayaa sheegaya In Haatan Bahda Saxaafadda Ay ku suganyihiin Madaxtooyada Puntland ee  Garowe,kuwaas oo sugaya natiijada Wajiga labaad ee Wada hadaladda Dawlada Federaalka iyo Maamuladda Xubnaha ka ah oo lagu dhawaaqayo Maanta.

Wariyayaasheenna Magaaladda Garowe Ayaa Soo Sheegaya in Goordhow Ay Heli Doonaan Natiijadda wada Hadaladii Socda, Ayadoonna Xalay ilaa Saaka Subixii Hore Aan Loo kala Kicin kulamadaasi.

Kulamaddii Ugu Danbeeyay Waxaa Goobjoog Ka Ahaa Madaxwenaha Somaliya Xasan Sheikh maxamuud, Madaxwenaha Puntland Dr. Gaas, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Inkasta oo bilowgii Wada hadalka la isku mari waayay qodobo badan oo ay ka mid tahay arrinta Maamulka Gobaladda Dhexe ,Khayraadka iyo Qodobo Kamid Ah Dastuurka Oo Puntland Ay Saluugsantahay, Waxaanna Hadda Ay Umuuqataa Mid Xoogaa is Afgarad Ah Ay Muuqdaan,

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indhoguran oo Saaka la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, Ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ay diiday in ay saxiixdo qodobo horay loogu heshiiyay.

“Ajande ayaan isku raacnay, heshiis in la saxiixo ayaan rabnay, laakiinse qoladii ka socotay dowladda Federaalka wey diideen oo waxay yiraahdeen heshiis lagama dhigayo, balse is faham ayaa laga dhigayaa, marka qolayahii gudiga ahayd ee Afarta dhinac matalaysay shirka wey ku kala kaceen” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale Indha-guran ayaa sheegay in natiijada ugu dambeysa ay noqon doonto waxa kasoo baxa madaxda sare oo kulan wada yeelanaya, taasi oo ah meesha kama dambeysta ah ee wada hadalka guud lagu xaqiijin doono in la’isku fahmay iyo in uu fashil kusoo dhamaaday.

Halkaan Hoose ka dhageyso:

Lama Ogaan Karro Qodobadda Ka soo Bixi Karra Kulamadaasi Dhacay Laakiin Dadka Reer Puntland Ayaa Dhagta Utagaaya Natiijadda Ka soo Bixi Karta Wada hadaladii Dhacay.