Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray shir soconaya mudo afar maalmood ah oo looga arinsanayo ansixinta Dastuurka Puntland ay yelanasyo kaas oo looga baxayo habka qabaa’ilka ee ay Puntlandna ay doonayso in Gobolka oo dhan ay kuu baahiso dimuqradiyad dhalisay asxaabta badan.

shirkaan caalamiga ah oo ay ka soo qayb galeen in ka badan afar boqol oo ergay oo laga soo xulay beelaha Puntland horay u dhistay ayaa waxaa isla markaasna matalaya shacabka Puntland, waxaana uu uga furmay maanta xarunta Barlamaanka Puntlanad oo ay ka soo qayb galeen madaxda Puntland isimadda iyo wakiilo ka socday ha’yadda Qaramda Midoway iyo beesha Calamka oo iyagu kor kala soconaya sida uu socdo ansixinta Dastuurka Cusub ee Puntland yeelanasyo waxaa sidoo kale goobta joogay oo heeso khuseeyo marxalada lagu jiro iyo shirka Dastuurka lagu ansixinayo ka qaaday kooxo fanaaniina.

Gudoomiyaha gudiga Doorashooyinka Kumeel gaarka ah Maxamed Xasan barre oo isagu ka hadlay goobta ayaa ka waramay hawliihi iyo soo xulidii ergadii maanta u fariistay ansixinta Dastuurka Puntland, Waxana uu sheegay in iminka la joogo ansixintii uuna rajeynayo in si wanaagsan ay ugu soo dhamaato.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay masuuliyin ay ka mid ahayen gudoomiyaha Barlamanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo isaguna ka ka shekeyay intii la soo waday Dastuurka oo ku tilmamay mudo hal sano ah oo ay kala shaqeeyeen ha’yado ay ka mid ahayeen interpeace iyadoo maantana ay masuuliyin ka joogay madasha ka hadlay.

waxaa iyana ka hadlay Saladiin iyo qaybaha bulshada oo soo jeediyay in ay maanta tarikh u tahay Puntland oo ka baxaysa hadii uu hirgalo Dastuurki.

Madaxwaynaha Puntland oo gunaanadkii ka hadlay ayaa sheegay in ergada laga soo xulay beelaha Puntland dega oo ku midoway Puntland ay yihiin kuwa xora oo matalaya beelaha ay ka yimadeen oo aan la khasbayn.

waxaana uu shirkaani soconaya mudo afar maalmooda ayna kaaga doodayaan Dastuurkaan hadii ay ansixiyaana la horgayn doono barlamanka Puntlandna ay kaga baxayso habka qabaa’ilka mudo 13 sano ka dib.

Sawiro












C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International