Sanadihii ugu dambeeyey waxaa dunida si xawaare ah ugu soo kordhayey adeegsiga taleefoonada loo yaqaan “Smartphones” ama teleefonka garaadka dheer, kuwaasi oo codsiga lagu daalacdo ee loo yaqaan Apps uu ku jiro aalad yar oo u suurtagalinaysa shirkadaha bixiya adeega Internet-ka inay daalacdaan fariimaha SMS-ka, ama E-mail-ka aad dirto ama laguu soo diro iyo waliba sawirada aad ku keydiso mobile-ka garaadka badan.

Sababta awooda u siinaysa oo waliba sharci ahaan aan ka horimaaneyn in shirkadahaasi daalacdaan sirtaada ayaa ah ogolaansho sharci oo marka aad la soo dageyso (Download) apps-ka lagu leeyahay ogolow (accept) shuruudaha taasi oo ka dhigan inaad ogolaatey in la qufan karo ama la daalacan karo sirtaada.

Xaaladaha la yaabka leh ee ku jira ogolaanshahaasi waxaa ka mid ahaa in dadka adeegsanaya telefoonada (Smartphone) ama garaadka badan laga qaadan karo sawirada kaamirada lagu qaado iyo waliba in la eegi karo qaybaha kale ee telefoonada, fasax la’aantaada.

Ma ahan oo kaliya telefoonka garaadka badan (Smartphone) kuwa dadka adeegsada ay u nugul yihiin in sirtooda la fatasho, waxaa kale oo warbixintan lagu ogaadey in dadka isticmaala aaladaha Ingternet-ka sida Facebook, Yahoo, Flickr and Badoo ay dhamaan u nugul yihiin in la daalacdo fariimahooda iyadoo taasi loo marayo barnaamijyada loo yaqaan

Android ee ku jira telefoonada Smartphone sida ay qortey jariirdada  the Sunday Times ee ka soo baxda magaalada London.

Shirkada Twitter ee dhanka Internet-ka ayaa xaqiijisay in ay  dib u daabacdo e-mail-da, address-yada iyo telefoonada dadka adeegooda adeegsada ee isticmaalaya telefoonka garaadka badan iyadoo lagu keydinayo keydadkooda computer-da ama servers iyadoon fasax laga qaadan adeegsadayaasha.

Steve Jobs-kii geeriyodey ee ahaa aasaasihii shirkada Apple ayaa isagu qudhiisa sanadkii 2007-dii wuxuu ku bixiyey digniin in dadka adeegsada aaladaha casriga ah aanay wax badan oo sirtooda ah ku keydsan telefoonada.

Chris Brauer oo ah la agaasimaha xarunta curinta iyo Technology-da bulshada ee Jaamacada  Goldsmiths ee magaalada London ayaa isaguna ku bixiyey digniin halista buuxda ee ku aadan macluumadka dadka ee ay iska maamulayaan shirkadaha Internet-ka.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com