Iyadoo Xiligan lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa waxaa jirah Dad Badan oo u baahan in la caawiyo oo ku Nool Magaalada Boosaaso .

Hadaba Shirkada Toowfiiq oo ka mid ah Shirkada Ugu faca wayn Puntland iyo Soomaaliyaba ayaa maantay Deeq Raashina waxay Gudoonsiisay Xarunta Islaamiga ah ee lagu xareeyay Caruur Horay Darbiyo Jiif u ahaan jiray ku was oo hada barta Qur.aanka iyo Aqoonta kalaba
Waxaa Deeqda oo ka koobneed Cuntada Daruuriga ah Gudoosiiyay mamulka xarunta Maxamed Macalin oo ka socday Shirkada Toowfiiq ,waxana ay deeqdani ka Koobnayd,Bariis,Sonkor,Baasto ,Caano,iyo Sharaab .

Maxamed Macalin oo Xarunta dhexdeeda ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Deeqdan ay ugu tala galeen caruurtan yar yare e halkan ku xaraysan ee ilaahay u nimceeyay horana u ahaa Darbiyo jifyo maantana barta Quraanka iyo Aqoon kalaba isagoo dhamaan Shirkadah iyo Umada Muslimiinta ah ugu Baaqay inay caawiyaan Caruurtan u baahan in lacawiyo .

Sidoo kale Maxamed Macalin ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay in ay ka qayb qaadan doonan Abaal marinada la siin doono Midkii ku guulasyta Akhrinta Quraanka oo uu maamuluh sheegay inay Bilaabayaan Inta badana ay ku tar tami doonan .

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Mamulah Xarunta islamaiga ah ee Carurta darbiyo jiifka aahan jiray isagoo ugu horaytii mahad balaaran u jeediyay Shirkada Towfiiq oo uu sheegay inay tahay Shirkadii ugu horaysay ee Bishan Ramadaan Deeq u keenta caruurtan isagoo xusay in caruurtu hada yihiin kuwo aqoon leh isla markaan barta Quraanka iyo Aqoonta kale waxana uu dhamaan Muslimiinta iyo Shirkadahba ka Codsaday in la caawiyo caruurtan Horay xaalkooda la ogaa hadana say yihiin la arko oo isbadal wayn ka muuqdo .

Ugu danbaytii waxaa halkaa ka hadlay Liiban yare oo ka mid ah Caruurta halkaa ku xaraysnayd ee barta Quraanka isagoo sheegay in Xiligan iyo xiligii hare ay kala duwan yihiin isla markaan an lays bar bar dhigi Karin isgaoo xusay in ay ka caruur ahaan mahad balaaran u jeedinyaan Shirkada Toowfiiq kuwa kalana ay ka sugaan inay soo caawiyaan

Si kastaba ah ahatee Caruurtan ayaa waxay Tiradoodu gaaraysaa ilaa 60.dan Caruura iyadoo 20 kamid ah ay soomanaayeen isla markaana ay yihiin kuwo ku tartami doona Quraanka Kariimka ah, waxana umada Muslimiinta ah gaar ahan Soomalida Ku waajiba inay caawiyaan oo ay ka Faa’idaystaan

Sawiro




Axmed Nuune
SBC INternational Boosaaso