Waxaa maanta galinkii dambe ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalda Garoowe kudhawaad boqol iyo konton Xujay ah oo doonaya  in ay soo gutaan wajibaadka xajka ee sanadkan.

Xujeydan Maanta ka dhoofay magaalada Garoowe ayaa noqonaya kuwii ugu horaysay ee uduula magaaalada barakaysan ee Maka Almukarama iyaga oo Garoowe ay ka qaaday diyaarad wayn oo ay leedahay  shirkada duulimaadyada ee Jubba Airline.

Wakiilka shirka Jubba ee gobolka Nugaal C/nuur Gadayarre oo warbaahinta SBC International  lahadlayey ayaa waxaa uu sharaxaad ka bixiyey  tirada Xujayda maanta ka dhoofay Garoowe iyo adeegyada shirkadoodu usamayndoonto marka ay tagaan Xajka oo tiradooduna ay gaaraysay 120qof.

Waxa uu sheegay in loo diyaariyey adeegyo kala duwan  oo ay ka midyihiin dharkii ay xiranlahaayeen  guryihii  iyo gaadiidkii qaadi lahaa  oo lacag la,aan ah, isaga oo intaa kudaray in ay raaceen culumaudiin caan ah  islamarkaana Xujayda  hagaya  iyada oo shirkadu ay qiimo dhimis wayn u samaysay  dadka doonaya in ay soo gutaan waajibaadka Xajka ee sanadkan

Waxaana uu intaa ku daray in Xujaydu ay haystaan wakhti dheer oo ay xataa cafimaad ku aadi karaan marka ay soo gutaan wajibaadkooda xajka

Maanta waxay noqonaysaa  sanadkii ugu horayey oo shirka Jubba ay Garoowe ka samayso dulimaadyada Xajka iyada oo sanadihii hore dadka doonaya in ay Xajka aadan ee ku sugan gobolka  iyo nawaaxigeed ay ka dhoofijireen gobolada kale ee Puntland, waxayna dadkan maanta amba baxay ay isaga yimaadeen qeybo ka mid ah gobolada Puntland sida Sool iyo Sanaag.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe