Agabka shirkada isgaarsiinta Golis ay gaarsiisay barkacayaasha waxaa ay isugu jireen dhar, taleefanada gacanta ee mobilka loo yaqaano iyo lacagta lagu hadlo ee prepaid- ka loo yaqaano waxaana goob joog ka ah maamulaha shirkada isgaarsinta ee Golis Garoowe iyo xubno kamid ah shaqalaaha shairkada, dowlada hoose ee degmada Garoowe iyo madaxda barkacayaasha Garoowe .

Waxaana lagu qaadanayey dhamaan agabka Golis bixisay hab bakhtiyaa nasiib ah oo qofkasta nisiibkiisa uu ku tijaabinayay,

Isaaq Cabdi Xasan ayaa dhankiisa shirkada Golis uga mahad celiyey deeqada ay siisay barkacayaasha waxaana uu tilmaamay mid ay u baahnayeen sida taleefanada iyo lacagta lagu hadlo oo taleefanada loogu shubay

Cabdi Nuur Gaada-yare madaxa suuq gaynta shirkada Golis ee Garoowe ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in booqdaan barkacyaasha oo kamid ah macaamisha shirkada Golis waxaana u qaban doona bandhigyo kale oo ay nasiib kooda ku tijaabinayaan shirkada Golis ay waxbadan ka qabatay hormar deeganda puntland ee ay ka howl gasho waxaa kale uu xusay in sharkadoodu adegeedu uu meel walba oo dalka somaliya ah uu gaaray isla makraana qaar kamid ah dalalka dibada laga isticmaali karo sida dalka sucuudiga oo uu sheegay in xujayda waajibaadka xajka soo gudnaysa ay ehelkooda kala soo hadli karaan taleefanadooda gacanta ee Golis

Inkasta oo barakacayasha ku nool Puntland ay haystaan nabad galayo hadana waxaa haysta daruufo dhnaka nolosha la xiriira marka la eego dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada iyadoona maalintii shalay puntland ay sheegtay in ay sameeyen siyaasada barkacyaasha ugaar ah oo lagu dhaqi doono .

Sawiro