Shirkada Isgaarsiinta Golis ayaa maanta tababar u soo xirtay 28 qof oo ka mid ah shaqaalaha shirkada ee gobolada Nugaal & Sool waxaana tababarku u socday ku dhawaad 15 bari iyada oo ay ku baranayeen sida loo badbaadiyo qalabka ay ku shaqaynayaan iyo caafimaadkooda  sidoo kalena waxaa ay barteen intii ay tababarka ku jireen sida wax yeelada qalabka looga ilaaliyo deegaanka.

Gunaanadkii tababarka oo lagu qabtay xarunta Golis ee magaalada Garawe ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiyey  shaqaalihii dhamastay tababarka  iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyin Golis ka socday oo uu ka mid ahaa Maareeyaha guud ee shirkada Golis Aadan Shiikhdoon Cali, maamulaha Golis Garowe iyo madax kale.

Ugu horayn maamulaha Golis Garowe Maxamud Ismaacil Aw-Cismaan ayaa shegay in tababarka noocaan ah uu faa’ido u yahay shaqaalaha iyo shirkadaba waxaana uu intaas ku daray in horay meelaha shaqaalahan ka howl galaan markii cilad ay ku timaado ay ciidii ay farsamayaqaano uga diran jireen Garoowe iyo Boosaaso hadase laga kaaftoomayo tababarka ay shaqaalaha u qabteen.
Mareeyaha guud ee shirkada Golis oo shahaadoyin gudoon siiyey dadkii ka faa’idaysatay aqoon kororsiga ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay in uu goob joog  ka ahaado xiritaanaka  tababarka waxaana uu ku booriyey shaqaalihii tababarka dhamaystay in ay si wadaan korarsiga aqoonta  waxaa kale uu kula taliyey shaqalaaha ka shaqeeya deeganada miyiga ah ee ay Golis xarumaha ku leedahay in ay Dhowraan deegaanka kana ilaaliyaan waxii dhibaato u gaysanaya hadii ay noqon lahayd qalabka ay adeegsadaan iyo hadii kalaba  maareeyuhu waxaa uu sheegay in ay golis siiwadayso maal galinta Shaqaalaha oo ku tilmaamay waxa ugu fiican ee la maalgaliyo in uu yahay dadka.

Maareeyuhu waxaa ku dheeraaday muhiimada ay u leedahay in ay helaan shaqaale xirfadoodu sarayso in ay doonayaan ayna sii socon doonaan tababarada noocaan ah si shaqaalaha golis ay unoqdaan kuwo tayo leh .

Ugu dambayntii tayeynta ay Golis ku samaynayso shaqaaleheeda ayaa ahaa sanadkan kii ugu badnaa iyaga oo tababaray in ka badan 400 qof ka mid ah shaqaalah Golis ah waxaana ay shaqaalaha la Tababaray in badan oo ka mid ah waxaa lagu soo tababaray dalka dibadiisa. 

DAAWO SAWIRADA

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe