Shir Jaraaid oo manta lagu qabtay Xarunta Shirkada Isgaarsiinta Golis telecom  ee Boosaaso ayaa waxaa lagu daahfuray adeeg loogu magac daray adeega Afgarad oo noqonaya mid kuu fududdeynaya Turjumaada Ereyada Luuqada Ingiriiska inuu kuugu badelo Afsoomaali Sida uu sharaxayo C/raxmaan C/laahi Jaamac Dayax oo ah Madaxa Suuqgeynta Golis.

Cumar Ciise Maxamed (Cumar Faaruq) oo ah hogaanka Ganacsiga ee Golis ayaa sheegay in adeegan Dadka Baahida u qaba ay yihiin Maaciil aad u badan dhawaana ay ku soo kordhin doonan adeegyo kale Adeega Afgarad,.

Kusimaha Maareeyaha guud ahana Madaxa Howlada Golis C/laahi Cali Cumar ayaa sheegay in Muhiimada shirkada Golis ay tahay in Aqoonta la horumariyo Si bulshada iyo Cilmga uu hormaraa,

Adeega Afgarad waxaa uu daboolayaa Baahi Dhalinta waxbarashada oo ku aadan Turjumada Luuqada ingiriiska iyo Afka hooyo ee soomaaliga waxaana uu adeegani ka mid noqonaya Adeegyo farabadan oo ay horey u hirgelisay shirkada Golis Telecom.
DSC02772 DSC02773 DSC02782
DSC02794

SBC International Boosaaso