Shir jaraa’id oo manta lagu qabtay Xarunta Shirkada Golis Telecom ee Boosaaso waxaa lagu soo bandhigay qiimo dhista lagu sameeyay Wicitaanka Telfoonada Shirkadaha Horumuud iyo Telesom oo ka howlgala Gobolkada Koonufur iyo Waqooyiga Soomaaliya.

Siciid Xuseen Ciid Madaxa Suuqgeynta Shirkada Golis oo ugu horeyn ka hadlay Qiimo dhistan ayaa sheegay ka dib markii Shirkada uu soo gaaray Dalab kala duwan oo ka yimid Macaamiisheeda ay shirkadu Go’aan satay in la dhimo qiimaha lagu waco Gobolada aan soo xusnay.

Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Shirkadu ay ka dhigtay Qiimaha Halki Daqiiqo maarka lawacayo Telfoonada Gobolada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya 5 Cent Daqiiqadii oo u dhiganta 1,250  Sh.so Waxaana taasi ay noqoneysaa in shirkadu ay dhintay 50% qiimihii Markii hore lagu wici Jiray.

Dhinaca kale Hogaanka Ganacsiga Shirkada Golis Cumar Ciise Maxamed (Cumar Faaruq) ayaa isna ka hadlay Shirka Jaraa’id waxaana uu sheegay in Muhiimada Shirka ay tahay in Shirkada Golis ay Ka jawaabto Dalabka Macaamiisheeda waxaana uu isagu si gar ah u xusay Adeegyo ay ka mid yihiin Internetka oo Baahi weyn Xilligan looga Qabo Deegaanadan Waxaana uu sheegay in Bishan gudaheeda isbadel weyn la dareemi doono

”Shirkadu waxay Magaalooyinka Waaweyn dhigtay Qalab Ay dhawaan soo iibsatay oo sahli doona in la helo internet xawaare sare leh kaasi oo ay dhawaan rajeynayaan in uu si rasmi ah u biloowdo waxana balanqaadeynaaa in uu noqon doono mid ka jawaaba Baahida Internetka”Sidaas waxa Yiri CUmar Faaruq

Qiimo Dhimista ay sameysay SHirkada Golis ayaa waxaa uu fududeyn doonaa in uu sii kordho Ganacsiga iyo Xiriirka ka dhaxeeya Dadka Ku dhaqan Gobolada Qiimahooda la dhimay iyo kuwa ku dhaqan Deegaanada Puntland oo dhan.

Shirkada Golis ayaa ah Shirkada Ugu balaaran Dhinaca Isgaarsiinta Deegaanada iyo Soomaaliya waxaana Horumarada ay ka gaartay isgaarsiinta ka mid ah in Wadamo kala duwan oo caalamka lagu istimaali karo Isgaarsiinta SHirkada Golis

Dadka ku dhaqan Gobolada Puntland ayaa qiimi Dhismitan 50% ah waxay u noqon doontaa mid u baaqi yeesha lacag Farabadan




SBC International Monitoring