Shirkada dhanka duulimaadka diyaaradaha ee daalo ayaa maanta waxa ay xafladda ballaaran ku qabatay holka shirarka ee New waamo ayna ka soo qayb galeen madax ka socotay dowlada ,culima awdiinka ,odaal iyo qay baha kale ee bulshada .

Xafaldaani ay maanta qabatay shirkada daalo ayaa waxa ay ku saabsanayd dib u habay ballaaran oo lagu sameeyay shirkada diyaaradah ee daalo air line munaasabda xajka awgeed sida uu sheegay madaxa shirkada daalo puntland Axmed maxamud wardheere ayaa xusay inay wax badan is badal ku sameeyeen wax yaabihii ay cabashadu ka iman jirtay ayna soo kor dhiyeen adeegyo cusub oo ay u riyaaqi doonaan macaamiisha shirkada daalo.

Axmed maxamud wardheere ayaa sidoo kale sheegay inay ka sameeyeen gobalda iyo dagmooyinka kale ee deegaanad puntland maktab lagu magacaabo imaamu shaafici trava agency kaasi oo hoos imaanaya shirkda daalo kalana shaqaynaya dhanka socdaalka iyo waliba isku xirka gobalada dhexe.

Wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada,arrimaha diinta iyo dhaqan celinta ee dowlada puntland Muxuud siciid oo isna ka mid ahaa madaxdii lagu casumaya ka soo qayb galka xafladaani ayaa sheegay inaay soo dhawaynayaan howlaha ay wado shirkada daalo soidoo kalana ay la shaqayn doonaan wixii ay uga soo baahdaan loona baahanyahay inay dadka ka haqabtiraan arrimaha la xiriira duulimaadka gaar ahaan buu yiri marka latago wadankaasi sacuudiga oo ay cabasho badani ka soo yeeeri jirtay sida uu yiri wasiir ku xigeenku.

Gabagabadii xafladaasi ayaa waxaa si rasmi ah u soo xiray wasiiru dowlaha dhanka sharciyada ee dowlada puntland yusuf axmed khayr oo sheegay inay tahay daalo shirkadii ugu horraysay ee duulimaad bilowday kadib markii ay burburtay dowladii soomaaliyeed ayna tahay shirkada mudnaan badan mudan hadana haddii ay wax soo kor dhiyeen ay tahay mid ay soo dhawaynayaan.

Shirkada daalo wax aay ka midtahay shirkadaha duulimaadka ee ka howgala gudaha wadanka soomaaliya iyo caalamka intiisa kalaba waana shirkadii ugu horraysay ee duulimaad ka samaysa wadanka soomaaliya kadib markii ay meesha ka baxday xukuumadii dhexe ee soomaaliya ayna burburtay shirkadii duulimaadka diyaaradaha ee la oran jiray Somali air.

Sawiro

Yusuf Maxamed Maxamud {Yusuf yare}
SBC International Garoowe