Shirkada Saliida & soo saarista gaaska ee lagu magacaabo African Oil ayaa shaaca ka qaaday qorshe ay ku sheegtey inay 8 ceel oo shidaal kaga qoyado wadamada Geesk Afrika oo uu ku jiro Deegaanka Puntland ee Soomaaliya.

Shirkan oo laga leeyahay wadanka Canada masuul ka tirsan wuxuu shaley talaadadii daboolka ka qaaday in wadamada Kenya, Itoobiya & deegaanada Puntland ee Soomaaliya ay ka hirgalin doonto qodista 8 ceel oo shidaal horaanta bisha September ee sanadkan 2011.

James Phillips, oo ah madaxa hawlgalada shirkada African Oil ayaa sheegay in iyadoo shirkadoodu la kaashanayso bahwadeegteeda haysata ruqsadaha shidaal soo saarida wadamada Kenya, Itoobiya & Puntland/Somalia.

“Waxaynu bilaabi donna barnaamijka soo saarida bisha Septmember 2011, shirkada Tullow Oil Plc  waxay afar ceel ka qodi doontaa Kenya, Africa Oil Corp  & PLP oo ah shirkad ay bahwadaag yihiin African Oil oo Puntland laga leeyahay ay hal ceel ka qodi doonaan Pungland halka mid kalena ka qodi doonaan Itoobiya” ayuu yiri James Phillips oo ka hadlayey shir goboleedka saliida & Oil-ka oo lagu qabtey magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Phillips wuxuu sheegay mashaarciidan soo saarosta shidaalka ay ku kici doonto aduun lagaceed oo gaaraya  $43 million  oo doolar.

Keyse Caamir
SBC News Desk