Live Garowe– Waxaa goor dhow lagu wadaa inuu si rasmi ah bilowdo shirka wadatashiga Soomaalida kaasi oo wejigiisa labaad uu goordhow ka bilaabanayo Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Shirka wadatashiga ee manta ka furmaya Magaalada Garoowe waxaa ka qeybgalaya Qeybaha kala duwan ee Soomaalida Sida Madaxda Dowlada KMG ee Soomaaliya Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka Puntland,Galmudug,Ahlusuna,iyo Ximin iyo Xeeb.

Wafuuda iminka joogta Magaalada Garoowe waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka DKMG.

Dhinac kale waxaa garoowe jooga oo soo gaaray wafuud ka socota Beesha Caalamka Gaar ahaan Ambasador Mahiga iyo madax kale oo ka socta Qaramada Midoobay

Waxaa docda kale la filayaa inay goordhow soo gaaran Magaalada Garoowe Raiisul wasaaraha Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socota Maamulka Galmudug kuwaasi oo goordhoweyd ka sookacay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo

SBC International Monitoring