Waxaa goor dhow si rasmi ah uga biloowday Magaalada Garoowe Shirka Soomaalida wejigiisa labaad waxaana Goobjoog ka ah Madaxda Dowlada Soomaaliya Madaxda Puntland Madaxda Maamulka Galmudug iyo Ergo ka socda Beesha Caalamka.

Waxaa Shirka lagu furay Aayadaha quraanka waxaana ka dib Muxaarad diini ah oo uu akhriyay Sheekh C/qaadir Nuur faarax waxaana iminka hadlaya oo lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole oo halkaas ka jeedinaya khudbada soo dhaweynta Madaxda shirka ka qeybgalaysa.

Waxaana ka dib hadli doona Madaxda DKMG ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Sheekh shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale madaxda Beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay

Wixii ka soo kordha kala soco SBC International