Shir Jaraa’id Oo Ay galabta Magaaladda Garowe Ku Qabteen Gudiga Ku Howlanaa Shirkaasi ayeey Kaga warameen Xaalka iyo Shirka.

Gudoomiyaha guddiga loo saaray shirka wadatashiga beelaha Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkalo) oo galabta warbaahinta kula hadlay magalada Garowe ayaa ka war bixiyay shirka iyo xilliga uu furmayo.

Eng.Biriishkalo ayaa sheegay shirka in lagu qaban doono magalada Gaalkacyo isla markasna uu furmayo kowda bisha lixaad ee socota, wuxuna sidoo kale sheegay inuu socon doono mudo toban cisho ah.

Wuxuu Sheegay in waxyaaha Ugu Muhiimsan ee Looga Hadlayo Ay Kamid Yihiin, xoojinta isku xirnaanta shacabka Puntland, dib u eegista shirwaynihii lagu dhisay Puntland (1998) iyo waliba xaalada dalka iyo ka hadalka xalinta khilaafaadka.

Hoos ka dhageyso Warbixin: