Guddiga Arimaha Gudaha iyo Federaalka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay waqtiga rasmi ahaan uu furmanaayo shirka Maamul U Sameynta Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddigaasi ayaa sheegay in Bisha June ee soo socota qorshaha uu yahay inuu furmo shirka Maamul U Sameynta Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Daahir Amiin Jeesoow, wuxuu sheegay Wasiirka Arimaha Gudaha oo ay la kulmeen inuu u sheegay in Bisha June oo ah Bisha lixaad ee sanadkaan uu furmanaayo shirka, balse aan si rasmi ah loo ogeyn halka lagu qaban doono shirka.

“Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyagana waxaan rajeynaynaa Bisha soo socota biloowgeeda ayuu furmi doonaa shirkeeda, Wasaarada Arimaha gudaha ayaa fureysa, meeshii la isku afgarto ayaa shirka laga furayaa, sida Wasiirka uu inoo sheegay.” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.

Gobolka Hiiraan hada waxaa ka socda shir dib u heshiisiin ah oo u dhaxeeya Beelaha Gobolkaasi dega, waxaana shirkaasi la rajeynayaa in lasoo gaba gabeeyo dabayaaqada bishaan aan ku jirno.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowr mar waxaa ka dhacay kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Maamul U Sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Siyaasiyiin badan oo Goboladaasi kasoo jeeda ayaa u hanqal taagaya inay qabtaan Hogaanka Maamulkaan la qorsheynaayo in labadaan Gobol loo sameeyo.

SBC, News.