Xasan Sheekh
Magaalada Landon cariga dalkaasi Ingiriiska waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdigan Madaxweyne xasan ee gaaray London ayaa ka qeyb galaya shirka Soomaalida uga furmi doono Maalinta Talaadada ah oo berito ku beegan, waxaana markii ay gaareen soo dhaweeyn ka dib loo gudbiyay halka ay magaaladaasi ka degi lahaayene.

Shirkan oo looga hadli doono Mustaqbalka Soomaaliya ayay sheegtay dowlada Britain in uu u leeyahay madaxda Soomaaliyeed muhiimad qaas ah, fusad cusubna u sameyndoonta sidi loo unki lahaa qaran cagahiisa isku taaga oo guud ahaan Soomaaliya ka hirgala.

Waxaa xusid mudan in Shirkan oo lagu waday in ay ka qeyb qaataan xubno muhiim u ah siyaasada Soomaaliya aanay goob joog ka ahaan doonin, taasina waa mid sahli karta qodobo muhiim ah oo aan loo dhameen in ay ka soo baxaan.

Sikastaba ha ahaatee waxa uu si rasmi ah u furmayaa shirkan maalinta berito ah, waxaana si wada jir ah u gudoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh iyo Raiisul wasaaraha Dalkaasi Ingiriiska David Cameron.

SBC International News Desk.