Waxaa maalintii labaad galey kulan magaalada Stochlohom  eecaasimada wadanka Sweden ay ku leeyihiin halkaasi dad ka kala socda qaybaha bulshada oo ka soo jeeda Beelaha Cali Saleebaan kuwaasi oo kala yimid wadamada Yurub & Mareykanka.

Qabanqaabiyeyaasha shirkan ayaa u sheegay SBC in shirkan ajandayaashiisu ay ka mid yihiin sidii beeshu uga wada hadli laheyd xaalada guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland ee beeshu degto, isla markaana aragti guud uga qaadan lahaayeen arimahaasi.

Shirkan ayaa sidoo kale waxa looga hadlayaa danaha beesha Cali-saleebaan iyo sidii beeshu u midoobi lahayd oo hogaan iyo argti qura u yeelan lahayd.

Shirkaan oo   maanta looga dooday    ajendayaal xasasai  ah   aayanan wali ka soo bixin    baxin natiijadiisa, waxaana  lagu wadaa  inuu   malainta isniinta  ah soo saaro    bayaan     cad   oo ku aadan gunaanadka & natiijada shirkaasi.

Cabdirsaq  Sheekhaduun o  ka mid ah gudiga qaban  qaabada  shirkaasi  ayaa   saaxafada  u sheegay   in   shirkaanu    u yahay mid muhiimda lagu saarayo sidii  beeshu  uga  qayab qadan lahyeed  hormarinta  degaanada ay  degto  oo dhan walba   leh.

Shirkan oo qaban qaabadiisu indhoweyd socotay ayaa waxa la filayaa inuu socdo mudo 3 maalmood  hoolka shirkan uu ka furmay waxa ku sugan dhamaan qaybaha Bulshada sida Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Culima’udiin, Dhalinyaro iyo haween.

Shirkaan waxaa furintaankiisa uga  qayb galay khadka telefoonka Jaliyadaha Marykanka iyo Canada waxana halkaasi hadalo qiimo badan telefoonka kaga jeediyeey mMuse Xaaji Aees iyo Dr Farjac oo labaduba ahaa musharxiin u soo tartamay xilka madaxweynenimada Puntland.

Sidoo kale waxaa Khadka Telfoonka kaga qayb galay shirkaasi isinka Guud ee beelaha Cali Salebaan Beeldaaje Faarax Cabdulaahi Beeldaaje halkaasaina ka jeediyeey guubaabo iyo duco uu kula dardaramay ka qayb galayashii shirka.

Shirkaan oo ah mid aad u culus ayaa dad badan siyaasada saadaaliyaa ku tilmaameen mid beesha ay kaga tashan doono ayaaha siyaasdeed ee Puntland ka dib markii ay soo baxeen bayaano is barbar socda oo la sheegay qaarkood in kalsoonida laga noqonaayo maamulka Puntland.

DAAWO SAWIRADA

Yaasin Faradheere
SBC International Sweden