Shirka Wada tashiga Maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ee soomaaliya ayaa galinka dambe ee maanta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Waxaa hoolka shirarka ee magaalada Garowe gaaraya ergada ka qeyb galeysa shirkaasi, Iyadoonna Halkaasi Uu Shalay Gaaray madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh.

Dhinaca Kale Waxa Garowe Looga Diyaar Garoobayaa Soo Dhaweynta Madaxda Maamul Goboleedyadda Jubbaland Iyo Koonfur Galbeed Oo Qeyb Ka Ah Wada Xaajoodka Garowe.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha puntland ayaa lagu wadaa ka hor shirka in ay soo kormeeraan qeybo kamida Magaaladda, Gaar Ahaan Xarumaha Dowladda Ee Xiligan Shaqeeya.

Shirka Maanta Ka Dhacaya Garowe ayaa Ah Wajigii labaad Ee Shir wada Tashi Oo Horay madaxda maamul Goboleedyadda iyo Dowladda somaliya Ugu Dhexmaray Magaaladda Muqdisho Ee Caasimadda somaliya.

Hoos ka dhageyso wariyaha SBC Ee Garowe Oo Aan Goordhow wareysanay.