Xarunta hay’ada Puntland u qaabilsan dhanka  Cilmi Baarista Iyo Hormarinta ee  PDRC waxaa manta uga furmay 40 Xubnood tababar soconaya muddolaba maalmood ah ayna ka qayb galayaan dad ka kala socday Maamulka iyo Ururadda Bulshada rayidka ah kuwaasi  oo ka kala yimid Gobolada Nugal ,Sool iyo Karkaar.

waxaana looga hadlayaa inta uu soconayo siminaarkaani  Amaanka guud ee deeganada Puntland iyo Siyaasada amniga sidii laysaga kashan lahaa, Agasimaha guud ee wasarada Amniga  Cali Maxamed C/raxmaan oo ka waramaya cida ka qayb qadanaysa siminaarkaani iyo ujeedka laga leeyahay isagoona xusay inuuyahay mid is faham bulshada dhexdeeda ah iyo koru qaadidaarrimaha amniga ee guuda haanba deegaanda Puntland.

Xiririyaha Ha’yada Cilmi Baarista PDRC  Cali Farax Cali oo isna ka hadlay Furitaanki shirkaani isla markaasna Barnaamijkaani ay gacanta ku hayaan ayaa sheegay inkul;ankaanilooga gol leeyahay sidiiay laysaga kaashan lahaa ammaanka loogana wada shaqaynlahaa suggida ammanka deegaanada puntland iyo is dhewxgalka bulshada qaybaheeda kala gadisan.

Waxaana kulankaani marka uu dhammaado dabo socondoona kulamo kale oo lagu qabanayo magaalooyinka  Bosaso iyo Galkacayo loona qaybiyay sida ay Gobolada isugu dhow dhow yihin sia ay howshu u fududaato  waxaana inta ay kulamadaani soconayaan lagu wada in ay ka soo baxaan Siyaasad lagu hago amaanka Puntland oo loo wada dhan yahay kana qayb qaateen  dhammaanba bulshada qaybaheeda kala gadisan.

Yuusuf Maxmed Maxmuud (Yuusuf Yare)
SBC International Garoowe