Shirkaan oo ay ka qayb galayaan waxgaradka shanta degmo ee uu ka koobanyahay gobolka Nugaal waxaa looga arinsan doona mudada uu socdo sidii looga hortagi lahaa waxna looga qaban lahaa xaalufka deegaanka iyo sidii gobolka Nugaal loogu samayn lahaa xeerka daaqsinka iyo ilaalinta duurjoogta waxaana ka qayb galay masuuliyiinta wasaarada deegaanka iyo gobolka Nugaal.

C,rixmaan Ciise Maxamed gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Nugaal ayaa furitaankii kulanka ka qaybgalayaasha kula dardaarmay in qodobada shirkaan ka soo baxa la dhaqangaliyo degmooyinkii ay ka yimaadeena ay dib ugu celiyaan isla markaana barnaamijkan laga wada tashanayo sidii loo joojin lahaa xaalufka iyo waxyeelada deegaanka ,.

Wax uu intaasi ku daray in dhaamaan lagu qaban doono shanta degmo iyadoona marka ugu dambaysa laga soo saari doono xeer ay ku midaysanyihiin dhamaan degmooyinka gobolka Nugaal si looga hortago wax walba oo wax u dhimaya deegaan isla markaana loo saaro xeerka daaqsinka iyo joojinta ugaarsiga duurjooga ku dhaqan Puntland

Wasiir ku xigeenka wasaarada deegaanka iyo duurjoogta Puntland Burhaan Cilmi Xirsi ayaa ka sheekeyey sida deegaanku ahaan jiray barigii hore waxaana uu rajo ka muujiyey in waxbadan laga qaban karo xaalufka deegaanka iyo ugaarsiga joogtada ah ee duurjoga lagu hayo isagoo kula dardaarmay wax garadka ka qayb galay shirkan in ay soo saran xeerkii lagu dhaqi lahaa deegaanka gobolka Nugaal waxaana uu ku booriyey bulshada in wax walba qabsankaraan hadii ay isku duubanyihiin isku meelna uga soo jeensadaan waxkasta oo deegaanka ka dhan ah.

Waxaana aqoon iswaydaarsigan socon doona mudo sadex bari ah iyadoona lagu wada marka uu soo idlaado ka dib in la soo saar go.aamo ay ku midaysan yihiin dhamaan degmooyinka hoos yimaada gobolka Nugaal soo saran xeerqabanay cid kasta oo wax yeelaysa deeganka ka dibna degmooyinka kale lagu qabandoona shirar la xiriira dhaqan galinta waxii ka soo baxa shirka degmadabuurtinle ugu socda wax garadka degmooyin Garoowe ,Burtinle Ayl ,Dan gorayo iyo Godob jiraan oo dhamaan ka wada tirsan gobolka Nugaal.

Sawiro







C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garowe