Shirkan oo socondoona mudo laba cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saaridoona habka ugu haboon ee laysaga kaashan karo sugida amaanka guud ee Puntland,  waxaana ka qayb galaya dowlada, ismada iyo nabadoonada kuwaas oo kakala yimi dhamaan gobolada Puntland.
 
Xiriiriyaha hay’ada Puntland u qaabilsan cilimi barista Cali Faarax Cali oo hay’adiisu shirkan soo qabqaabisay ayaa kawaramay shirkan ujeedkiisa iyo cida ka soo qayb gashay, isagoo sheegay in uu yahay shirkani mid muhiimaduusi tahay iska kaashiga Amaanka guud ee Deegaanada Puntland.
 
Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo ka hadlay furitaankii shirka ayaa sheegay in isimada iyo waxgaradku ay yihiin kuwa dhisay Puntland isla markaana ay muhiimtahay in lasameeyo wadatashi ku aadan dhanka amaanka isagoona intaa ku daray in amaanka Puntland ay wax badan ka qabteen.
 
Shirkan oo ah mid balaaran ayaa qayb ka ah daalada dhanka bada oo ay mudooyinka ka waday gobolada Puntland hayda cilimi barista ee magaceeda loo soo gaabsho PDRC kuwaasi oo ay diirada ku saaraysay badada iyo xasi loonida waxaaana ay noqonaysaa markii ugu horaysay  waxaana ay noqonaysaa markii ugu horaysay oo shirwayne noociisa ah laysugu keeno  ismada iyo waxgaradka Puntland si ay ugu arinsadaan kor u qaadida amniga Puntland.
 
Daawo Sawiro


Maxamed Siciid
SBC International Garoowe