Shir looga hadlayo Cudurka Duumada oo maanta ka dhacay Gudaha Boosaaso

Shir ku saabsan ka shaqeynta arimaha Caafimaadka Deegaanada Puntland Gaar ahaan xarunta gobolka Bari ee Boosaaso ayaa maanta waxaa isugu yimid Masuuliyiinta sare ee Wasaarada Caafimaadka Puntland iyo Dhinacyada kala duwan ee ka shaqeeya Caafimaadka sida Ururada Caafimaadka, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Wadaniga ah  iyo weliba Dhaqaatiirta gobolka.

Waxa kulankan ujeedadiisa ugu weyni aheyd sidii looga hortagi lahaa cudurka looyaqaan malaariyada oo la ay sheegeen Dhaqaatiirtii isugu timid kulankaasi in uu ka jiro deegaano ay ku jirto Boosaaso ka dib baaritaano la sameeyay.

Koox loo xilsaaran ka shaqeynta arimaha Cudurkan la sheegay in Boosaaso uu ka jiro ayaa halkaasi ka aqriyay daraasaad ay cudurkan ku soo sameeyeen sheegayna in goobaha caafimaad ee gudaha Boosaaso laga helay dad uu cudurkani soo ritay.

Hadaba Waxaa la isweydiiyay sida looga hortagi lakaro cudurkan iyadoo la isweydaarsaday Fegrado dhowr ah oo ku aadan la dagaalanka Cudurkan, waxaana la isla gartay in si wada jir ah looga shaqeeyo sidii ka hortag looga sameyn lahaa .

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Puntland Dr Cali C/lahi Warsame ayaa meesha ka sheegay in cudurkani tahay halis sida ugu haboona looga baahan yahay shacabka reer Boosaaso in ay kaga hortagaan iyagoo wajahaya waxyaabaha uu ka dhasho oo laga tigtoonaado.

Waxa uu sheegay in Cudurkani uu ka dhasho sida ay rumeysan yihiin Waxyaabaha Nadaafad darada ah iyo goobaha aan habooneyn oo lagu qubo waxyaabaha wasaqda ah

Siwalba xaaladu ha noqotee Waxay noqoneysaa Markii ugu horeysay oo ay Laamaha caafimaadku shaaciyaan in cudurkan loogu yeero Duumada uu ka jiro deegaano badan oo ka tirsan Gobolkan Bari.

Sawiro





SBC International Boosaaso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII