Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya Waddamada xubnaha ka ah urur Goboleedka IGAD ee Waddamada Bariga Afrika.

Shirkaan oo ka socda xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa ahmiyadiisa waxa ay tahay shirka la tashiga wadamada IGAD ee la xiriira sidii si furan la isaga gudbi lahaa xuduudaha dalalka IGAD fiisa la’aan.

Dhinacyadan ayaa isla gorfeynaya hanaanka ugu haboon ee dalalka ku bahoobay IGAD, muwaadiniintooda Bilaa Viiso ay isaga gudbi lahaayeen dalalkaasi.

Shirkaan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa lagu qabto Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu yahay mid ahmiyad wayn u leh Somaliya, haddii la isla garto wadamada IGAD ku bahoobay muwaadiniintooda Viisa la’aan inay isaga gudbaan.

Safiirada dalalka IGAD ku mideysan ayaa ku sugan Muqdisho

Masuuliyiin ka tirsan dowladda dhexe oo ku sugan madasha shirka ayaa dhankooda ka dhiibanaya aragtiyada ku haboon Shirka.

Shirkaan ayaa la filayaa marka la soo gaba gabeeyo masuuliyiinta dowladda Saxaafadda inay la hadlaan faah faahina ka bixiyaan Shirka.

Waxaa la filayaa in lagu heshiiyo in muwaadin walba oo u dhashay dalalka ku mideysan IGAD uusan qaxooti ugu noqon lahayn dal kasta oo uu tago ee ka mid ah IGAD, inuu ka shaqeysan karo, waxna ka baran karo, loona diiwaan gelin karo muwaadnimadiisa.