Magaalada Nairobi Xarunta dalka Kenya waxaa maanta ku soo gaba gaboobay kulan ay isugu yimaadeen dhinacyobadan oo ka mid ah dhinacyada Madaxda geeska Africa iyo weliba beesha caalamka .

kulankaasi ayaa ahaa mid looga arinsanayay arimo badan oo quseeya amaanka geeska africa abaaraha ka jira wada mada qaar oo ay soomaaliya ugu weyntahay.

Madax kala duwan ayaa kulankaasi ka jeediyay qubado kala duwan oo siweyn loogu saarayo diirada xaalada geeska Africa sida amaanka iyo abaaraha .

Gaba gabadii ayaa waxaa la soo saaray qodobo gaaraya 13 qodob oo qaar kood ay quseeyaan Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa qodobada quseeya Somaliya ee shirkaasi laga soo saaray

1 In Beesha Caalamka ay u dhega nuglaato xaaladaha gargaarka dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta weyn ku yeelatay Abaarta iyo in ay sii kordhiyaan gar gaarka ay dadkaasi macluulsan soo gaarsiinayaan.

2 In beesha caalamka iyo wadamada caalamka ay ogadaan in Ciidamada Amisom aysan keliya aheyn ciidan Nabad sugid u jooga Somaliya bale ay yihiin kuwo nabad dhaliye yaal ah.

3 In ciidamada Amisom iyo dowlada KMG ah ee Soomaaliya gaaraan deegaanada dalka si ay u fududaato Gargaar gaarsiinta dadka ay abaarta iyo colaadu saameysay.

4 Ciisamo ka socda Unka oo la soo gaarsiiyo gudaha Dalka.

iyo Qodobka ah in ay beesha caalamka ku adkeysneyso dhinacyadaq Soomaaliya adkeynta Amaanka iyo Heshiisyadii lagu kala siixiixday Shirarkii Kambala iyo Muqdisho.

Sikastaba ha ahaatee kulanka aya iminka soo gaba gaboobay waxaana dhamaan ay carabka ku dhufteen madaxdii halkaasi ka hadashay in taageero loo muujiyo u gargaarka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

SBC International News Desk