Shir lagu dhamaystirayo heshiiska beelo horay ugu dagaalmay G/karkaar +sawiro


Shirkaan oo ay ka qaybgaayaan nabadoono, waxgarad, labada beelood iyo gudiga dhexdhexaadinta laba beelood waxaa uu sagoontin u yahay heshiis horay loo dhexdhigay labada beelood iyo in la ogaado waxa ka qabsoomay qodobadii horay lagu heshiiyay, waxaana soo qaban qaabisay wasaarada arimaha gudaha dowlaha hoose iyo hormarinta reer miyiga Puntalnd.

Furitaankii shirka lagu dhamaystirayo heshiisadii hore waxaa ka qaybgalay wasiirada arimaha gudaha cadaalada iyo amniga

Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha C,laahi Siciid Awyusuf ayaa warbaahinta uga waramay sababta shirkaan loo qabtay, waxaana uu xusay in wasaarada arimaha guduhu u xilsaarantahay xalinta khilaafaadka beelaha, isagoona  intaasi ku daray in dhexdhexaadinta beelahu ay qaadatay mudo dheer isla markaana ay kaalin fiican ka ciyaareen ismada Puntland iyo dhamaan wax garadka iyo dowlada heshiiskii rakana uu ka qayb galay madaxwaynaha Puntland.

Odayaasha iyo waxgaradka beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay ayaa madasha ka sheegay in ay dhamaan dhaqan galiyeeen heshiisyadii lawada gaaray isla markaana hada uu caadi ku soo noqday isdhexmarka iyo daaqsinka deegamada ay wada degaan labada beelood dowladana looga baahan yahay in ay dhamaystirto inta hartay beeluhuna hada ay wada daganyihiin deegaanadii colaadu ka dhacday iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo dib u soo labatay

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha dowladaha hoose iyo hormarinta reermiyiga C.laahi Axmed Jaamac Ilko jiir  ayaa guul ku tilmaamay heshiisyada la gaaray waxaana uu beelaha walaalaha  ah ku booriyey in ay siiwadaan soocelinta waalnimadii horay u jirtay oo ay noqdaan siday horay u ahaayeen dad walaalo ah oo ehel ah isla markaana aysan degaanadaasi lagu dadaalo sidii aan colaad dambe uga dhici lahayn,

Waxa uu wasiirku uga mahad celiyey gudigii dhexdhexaadinta isagoo xusay in suldaan Siciid Maxamed Garaase uu sabab ahaa heshiiskaa waxaana uu xusay in uu wakhti farabadan ku bixiyey in la heshiisiiyo beelahaasi walalaha ahaa ee colaadu dhexmartay isaga iyo gudigii uu madaxda u ahaa oo uu aad ugu amaanay kaalinta lama ilaawaanka uu ku tilmaamay ka ciyaareen heshiiskii rako ka dhacay hada dhamaystirkiisu ka socdo Garawe.

Dagaalada qabaailka oo sanadihii u dambeeyey aad ugu badnaa deeganada Puntalnd waxaa la tilmaama in ay salka ku hayso biyaha daaqsinka iyo deegaanka hayse yeeshe odayaasha dhaqanka oo kaashanaya dowlada waxay ku guulaysteen in ay  heshiisyo nabadeed dhexdhigaan beelo dhowr ah oo ku dagaalmay deeganada Puntland .

Sawiro




Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe

Daalacatey :1046

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print