Shirkaan dib u eegista lagu samaynayey guulaha laga gaaray cudurka HIV AIDSkA  iyo waxayaabaha loo bahanyahay in hada la hirgaliyo oo lagu qabtay Xarunta  Xarunta  Magtabada Garoowe.

Waxaa ka qayb galay madaxda Hayada PAC oo Puntland u qaabilsan la dagaalanka cudurka HIVga ,wasaarada caafimaadka  ,Ururada Maxaliga ah ka shaqeeya yaraynta cudurka iyo Hayado caalami ah.

Agaasimaha Hayada PAC  Dr C/rixmaan Siciid Maxamud (Dhagawayne) oo ka hadlay furitaankii shirka ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu ay tahay in dib loo eego wax yaabihii la qabtay Yaraynta cudurka isla markaana lagu qorshaynayo , mashaariicda cusub ee lagula dagaalamayo cudurka dilaaga ah HIV/AIDS oo Puntland qorshaysay in si dhab ah loola dagaalamo .

Sawiro
IMG_0956 IMG_0957 IMG_0958 IMG_0972 IMG_0975 IMG_0978 IMG_0979 IMG_0999 IMG_1000 IMG_1012 IMG_1018 IMG_1022 IMG_1024 IMG_1027