Hal qof ayaa dhintay sideed kalena waa dhaawacmeen ka dib markii uu gadoomay gaari ah nooca loo yaqaan Marki two kaasi oo ku sii jeeday magaalada Hargaysa waxaana uu ku uu shilka ku galay deegaanka Bixin oo magaalada Garoowe kaga beegan dhanka waqooyi.

Dadkii ku dhaamacay waxaa la keenay isbitalka guud ee Garoowe halkaasi oo lagu dabiibayo.

Agaasimaha guud ee isbitalka Garoowe Maxamed Jaamac Xirsi ayaa kawaramay sida ay wax u qabaan dadka dhaawac ah , waxaanu sheegay in dhaawacyada la soo gaarsiiyay ay markii hore ahaayeen 9 ruux balse uu ka geeriyooday ilmo yar oo ka mid ahaa, waxaana iminka lala tacaalayaa dhaawacyada kale ee isbitalka ku jira.

Mid ka mid dadka ku dhaawacay shilkii maanta ayaa isna ka warbixiyay sida shilka gaarigu u dhacay kuna eedeeyey wadaha gaariga in uu tankiisa dhaafiyey, islaamarkaana uu controli waayay xiligii uu shilka dhacayay,

Darawalka waday gaariga maanta shilka galay ayaa warbaahinta usheegay shilka gaariga uu sababay geel kaga soo baxay wada isala markaana uu sidaas shilku u dhacay.

Inta badan shilalka gaadiidka waxaa la xirriyaa aqoon la.aan wadayaasha gaadiidka ah burburka wadooyinka oo qayb ka qaata shilalka iyo gaadiidka oo tankii loogu talagalay culays ka badan la saaro

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC INternational Garoowe