Lix qof ayaa ku dhintay todoba kalene waa ay ku dhawacmeen shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxaysa Tuulada Sunijif iyo Magalada Garowe,

Gaagari noociisu ahaa Mark 2 oo ay saarnayeen dadkaani kana soo kucitimay isla tuulada sunijif oo u jirta Magalada Garowe masaafo dhan lixdan kilo  mitir.

Dhawaca tadobada qof ayaa maanta oo jimca ah lagu dawaynyaa ispitaalka Guud ee Magaadada Garowe oo ay ka mid yihin dadka dhawacu soo garay caruur da’ doodu aad  u yartahay   halka dadkii gaariga ku geeriyoday  lagu asayo goob aan sidaas uga fogayn goobta ii shilku ka dhacay.

Lamina sheegin sababta dhabta ah ee keentay shilkaan gaari wallow la sheegay in gaarigu uu aad u yara iyo culayska uu siday  oo aad u badnaa

Lamaha wadooyinka inta badan waxaa ay ku micneeyaan shilalka aadka ugu soo badanaya wadooyinka isku xira Garowe iyo Bosaso kuwa wadayaashu ay sabab u yihiin iaygoo ku micneeyay sababo ah xawli sare o ay kuw adan iyo tankooda oo ay dhaafiyaan aqoonyarina ay jirto

Dhanka kale waxaa sidaan oo kale shil gaari ugu geeriyooday alaha u naxaristen xildhibaan C/laahi Faras oo habeenkii xalay ahaa shil gaari uu ku dhintay halka labo kalena ay ku dhawacmen kaas oo ka dhacay Wadoyinka u dhexeeya Burtile iyo Galkacayo

Labo todobaad ka hor waxaa sidan oo kale shil gari ugu geeriyooday Xildhibaan Kale oo ka tirsanaa Xildhibanada Puntland.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe.