Alaha u naxariistee Maxamed Aadan Diyeeshe oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii DKMG ah ee Soomaaliya u magacawday Degmada Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa geeriyooday ka dib shir gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa Ceelasha iyo Km13.

Geeriday gudoomiyaha Ceelashada biyaha ayaa waxaa SBC u xaqiijiyay Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose DKMG ah ee Soomaaliya isagoona sheegay in shilkani uu dhacay xili ay xoogaga xarakada alshabaab weerar ku qaadeen Kolonyo uu la socday Gudoomiye ku xigeenkaasi.

Sidoo kale shilka uu ku dhintay Maxamed Aadan Diyeeshe ayaa waxaa iyana ka mid ahaa ragii ku geeriyooday ku dhowaad 4 qof oo ilaalo u ahaa sida wararku ay sheegayaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa wadadaasi waxa ay aheyd mid halisteeda ay cirka isku sii shareereysay ka dib markii ay ku soo bateen weerarada lagu qaadayo kolonyada ay isticmaalaan ciidamada DKMG ah, waxaana ay gaadiidka dowlada ku maraan si xowli ah iyagoo ka baqanaya weerar kaga yimaada xoogaga xarakada Shabaab Almujaahidin.

C/qaadir Maxamed Cabdulle
SBC International Muqdisho.