Shilkan gaari ayaa sababay khasaare ka dib markii ay isku dheceen 2 gaari oo soomaalidu u taqaan Waaraad iyo candhameydle, wadada dheer ee isku xirta Boosaaso iyo Qardho gaar ahaan Toga Dhameysa iyo Dureera ee gobolka Bari

Sida ay SBC International u xaqiijiyeen ciidamada ilaada Wadooyinka Puntland ayaa shilkaasi waxaa ku geeriyooday 1 Qof halka ay ku dhaawacmeyn dad gaaraya 9 Qof oo 2 ka mid ah ay yihiin Caruur.

Taliyaha Ciidamada Wadooyinka ee gobolka Bari Dhame Maxamed Yuusuf Finiini ayaa SBC International usheegay in dadka dhaawacyada qaba qeybtood ay qabaan dhaawacyo culus islamarkaana llagu dabiibayo Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso.

Waxa uu sidoo kale Taliyuhu sheegay in sababaha keenay shilka gaarigan uu yahay ka dib markii  ay gawaaridaasi isku dheceen, taasina ay keentay khasaarahan ka dhashay shilka, oo inta badan loo aaneeyo wadada isku xirta Boosaaso iyo Isku shuban ay tahay mid aan dayac tirneen.

Ma ahaan markii ugu horeysay oo uu dhoco shil ceynkan oo kale ah kaas oo sababa khasaare nafeed so gaara dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa .

Maxamed Cali iimaan
SBC International Boosaaso