Faah faahin ayaa ka soo bexeysa Gaari Siday xamuul oo saaka Hirtii waaberi ku rogmaday inta u dhexeysa Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho.

Gaarigan oo ahaa nooca Soomaalidu xamuulka ku rarato badi ee looyaqaan Waaraadka iyadoona uu ku siijeeday sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday dhanka iyo Gobolka Mudug.

3 Qof ayaa ku dhaawacmay Shilkan waxaana mid ka mid ahi tahay Haweeney ka mid aheyd Rakaabka halka 2da kalena ay rag yihiin.

Shilkan ku dhacay Gaarigan ayaa yimid sida ay Sheegen dadkii saarnaa ka dib markii uu ka baxay Wadada iyagoona ka dib uu rogmaday, .

Laamaha Amaanka Wadooyinka Taraafikada ayaa u sheegay xafiiska SBC ee Qardho in gaarigan rogmaday uu siday xaqmuul tiro badan islamarkaana iminka uu goobtii yaalo welina aan laga qaadin sababo ay ka mid tahay in la waayay gaadiidkii lagu toosin lahaa waasida uu warku u dhigaye.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu ka dhaco shil inta u dhaxeysa Gobolada Bari iyo Karkaar waxaana jiray shilal kale oo aad u tiro badan kuwasi oo ay ka dhasheen khasaare nafeed tiro badan.

Maxamuud C/laahi Faarax
SBC International Qardho