Berlin:- China iyo Germany ayaa kala saxiixday heshiis oo qiimihiisu gaarayo 15 bilyan oo dollar kadib kulan dhexmaray ra’iisal wasaaraha China Weyn Jiyaa Baaw iyo Angela Merkel caasimadda jarmalka ee Berlin.

Labada dal ayaa shaaca ka qaaday in ay gaarsiin doonaan xajmiga isdhaafsiga ganacsi u dhexeeya labada dal 248 bilyan oo dollar shanta sano ee soo socoto.

Jarmalka ayaa ah dowladda ganacsiga ugu balaaran la leh dalka dalalka midowga yurub , sidoo kale labada dal ayaa ah dalalka ugu balaaran ee caalamka wax u dhoofiya.

Heshiisyada ay kala saxiixdeen labada dal ayaa waxa kamid ah heshiis gaar ah oo ay yeelan doonaan shirkadaha diyaardaha Air Bus iyo shirkadda A230 qiimihiisu ku kacayo 7.5 blyan oo dollar.

Safarka ra’iisal wasaaraha China ee qaaradda Yurub ayaa ku soo beegmaya xilli dhowr dal oo gobolka ay la soo gudboonaatay mashaakil dhanka deymaha ah.

Ra’iisal wasaaraha China ayaa sheegay in china ay taageero u fidisay Yurub marar badan si kale haddii loo yiraahdo haddii ay yurub culeys soo waajaho waxaan u fidin doonaa kaalmooyin ayuu sii raaciyey.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring