Wararka ka imaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in maanta lagu diley magaalada East London ee gobolka Eastern Cape ee wadanka Koonfur Afrika Sheekh Soomaaliyeed oo caan ka ahaa dalkaasi.

Sheekha la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Sheekh Cabdullaahi C/qaadir Qoorjaloow waxaana uu ahaa madaxa dacwada Al-Bayaan ee ka jirta magaalada East London, waxaana lagu diley dukaan uu ku lahaa xaafada Duncan ee East London.

Sheekh Cabdulaahi ayaa Kutubka ka aqrin jirey Masjidka Soomaalida ee magaalada East London waxaana la sheegay in markii la dilayey uu ku sugnaa dukaankiisa, isagoo sida wararku sheegayaan ay dilkiisa geysteen kooxo burcad ah oo hubaysan oo qoryo u adeegsadey dilka marxuumka.

ALLAHA u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdulaahi wuxuu caan ku ahaa taageerada dadka Soomaalida ee dalkaasi ku cusub, sidoo kale wuxuu aad uga qayb qaadan jirey dhexdhaxaadinta dadka Soomaalida ee is qabsada ama dagaalama.

Keyse Caamir
SBC News Monitoring