Maxay u tanaasuleen C/weli Gaas iyo C/qaadir Cosoble & Wararkii ugu danbeyay + COD

Waxaa goordhoweyd ku dhawaqay inay ka tanaasuleen u tartamida wareega labad ee Doorashada Musharaxiinta C/weli Maxamed Cali Gaas iyo C/qaadir Cali Cosoble waxaana ay labada Musharax ku dhawaaqeen inay Doonayaan Isbadel Siyaasadeed.

C/weli oo horey u ahaa raiisul wasaarihii Xukuumada Badbaado Qaran islamarkaasina Waxbadan  ka qabtay isbadelka ka dhacay Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka tanaasulay Tartanka Doorashada wareegii labaad isaga oo ku booriyay Xildhibaanada Inay isbadelka u codeeyaan.

C/qaadir Cali Cosoble oo isna ahaa Musharax masraxa siyaasada ku cusub Codod 27 ahna ka helay Wareegi hore ayaa ka baxay taratanka isaga oo sheegy inuu u tanaasulay sababo uu ku macneeyay in waqtiga laga faaideysto

Waxaa doorashada Madaxtinimada iskugu soo haray Shariif Sheekh Axmed Hogaamiyihii hore ee DKMG iyo Sidoo kalae Xasan Sheekh Maxamuud oo ah siyaasi ku cusub Masraxa Siyaasada Dalka Musharax.

Labada Musharax waxaa la farsiiyay meel gaar ah oo u dhow Fadhiga gudoonka Barlamaanka waxaana Bilaabatay Doorashada wareega Sadexaa Bacdamaa ay is casileen Laba musharax

SBC International Monitoring

Daalacatey :1024

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print