Madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa wuxuu qalabka warbaahinta uga jeediyey shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka hadley guulaha ay gaareen ciidamadiisa oo kaashanaya kuwa AMISOM ee dagaalka kula jira xarakada Al-Shabaab.

Khubadaasi ayuu Sheekh Shariif wuxuu kaga hadley arimo ay ka mid yihiin tayeynta ciidamada qalabka sida, arimaha gargaarka & socdaalka isdaba jooga ah ee ay Muqdisho ku imaanayaan madaxda caalamka.

Sheekh Shariif wuxuu farta ku fiiqay in dhawaan dawladiisu qaadi doonto hawlo lagu tayeynayo ciidamada isla markaana xooga lagu saari doono xaqiijinta amaanka wadanka.

Mar uu ka hadlayey arimaha gargaarka ayuu wuxuu sheegay in dawladiisu ay ahmiyad weyn siin doonto arimaha gargaarka dadka abaaruhu waxyeeleeyen wuxuuna xusey in amaanka gargaarka ay dawladu xaqiijin doonto, isagoo taasi ku lamaaneysiyey in digniin ku siinayo dadka doonaya inay gargaarka boobaan talaabo laga qaadi doono.

Madaxweynaha wuxuu amaan u jeediyey ciidamada dawlada oo ku tilmaamay kuwa geesiyaal ah sida iyaga iyo saraakiishoodu ugu guuleysteen amaanka wadanka.

Khudbada Madaxweynaha oo aad u dheerayd kana hadlaysa arimo fara badan ka dhageyso link-ga Audio hoose.
Halkan ka dhageyso