ALLE Ha u naxariistee Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ka mid ahaa duqeyda dhaqanka ee caanka ah ee Soomaaliyeed oo dhawaan ku geeriyoodey magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey deegaanka Jasiira.

Meydka Marxuum Imaam Cumar ayaa maanta la keenay magaalada Muqdisho waxaana laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho halkaasi oo logula tukuday salaada Janaasada.

Aaska & Janaasada marxuum Imaam Cumar waxaa ka qayb galey Madaxweynaha DFKMg ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiiro, xildhibaano, duqeyda dhaqanka gobolka Banaadir & dadweyne fara badan.

Ka dib markii salada janaasada lagu tukuday meydka Imaam Cumar waxaa loo galbiyey dhanka Jasiira halkaasi oo lagu aasay, waxaana aad loo adkeeyey amaanka guud iyadoo ay sugayaan amaanka ciidamada AMISOM & kuwa DFKMG ah ee Soomaaliya.

Kala soco SBC sawiro ku saabsan aaska Marxuum Imaam Cumar, Insha ALAAH.

SBC News Desk