Madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif oo shaaciyey in uu Ra’isalwasaare u magacaabayo Cabdi-wali Maxamed Cali (Gaaz) oo haatan ah kusimaha Ra’isalwasaaraha ahna wasiirka qorsheynta ka dib iscasiladii Maxamed C/laahi Farmaajo oo ahaa Ra’isalwasaaraha dawlada KMG ah.

Kulan balaaran oo uu magaalada Muqdisho kula yeeshay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo uu ula shiray hab qabiil oo uu kala tashanayey magacaabista Ra’isalwasaaraha ayuu wuxuu ku sheegay in uu u gartey in xilkaasi u magacaabo Cabdi-Wali Gaaz.(Player-ka hoose ka dhageyso hadalka Sheekh Shariif) Halkan ka dhageyso hadalka Sheekh Shariif

Sheekh Shariif ayaa kulan gaar ah oo uu la yeeshay xildhibaanada ka soo jeeda beelaha Direed wuxuu u cadeeyey in Maxamed C/laahi Oomar oo ah wasiirka arimaha dibada uu sheegay inaanu isagu xiligan u tartameyn xilkaasi isagoo sida Sheekh Shariif sheegay u tanaasulay xalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda ku dhawaaqo Ra’isalwasaaraha cusub ee xukuumadiisa, iyadoo warar SBC ay ka heshay dad wargal ah ay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Xasan uu ku qancay in loo magacaabo Ra’isalwasaaraha Cabdi-Wali Gaaz.

 Keyse Caamir
SBC News Desk