Madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa wuxuu ka soo saaray bayaan dheer oo ku aadan arimaha abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Bayaankan oo nuqul ka mid ah SBC la soo gaasriiyey ayaa u qornaa sidatan.

XUKUUMADDA FEDERAALKA EE KMG AH EE SOOMAALIYA

XAFIISKA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYA

Bayaanka Abaaraha iyo Codsiga Gargaar degdeg ah

JULY 10, 2011

  1. I. Hordhac

Soomaaliya waxa ku habsatey abaar ba’an oo ay sabab u tahay roob la’aan muddo dheer iska daba timid oo ay badi ku la’adeen xoolihii raacatadu ku tiirsanayd isla markaasna keenay in waxsoosaarka beeraha uu aad hoos ugu dhaco taasoo xaaladda beeraleyda khatar gelinaysa. Marka la eego xaalladda hadda jirta abaartan xun waxaa la oran karo inay u dhigantaa tii dalka Soomaliya sida xanuunka badan u soo martay 1993.

Kumanaan kun oo qof ayaa guryahoodii ka barakacay iyagoo ahaa kuwii dhaqaaqi karay, hasa yeeshee kumannaan kale oo awoodi waayey inay dhaqaaqaan ayaa ku liita halkii ay joogeen, qarkana u saaran inay macluul u dhintaan.

Caruur fara badan ayaa ilaa hadda dhimatay, kuwa kalana waxay qarka u saaran yihiin inay u  le’edaan macluul iyo cudurro ka dhashay. Dhinaca kale abaartu waxay ku soo beegantay xelligii ugu xumaa oo ah iyadoo nabadgelyo xumo ka jirto qaybo ka mid ah dalka, taasoo baaba’isay awooddii isku tiirsanaanta iyo iskaalmeynta dadka guud ahaan.

  1. II. Baaxadda Abaarta

Abaaruhu waxay saameeyeen dhammaan dhulka Soomaaliyeed. Marka Gobolada Waqooyiga iyo Bariga laga yaabo inay waxoogaa dhaamaan nabadda halkaas ka jirta darteed, gobollada koonfureed siiba dhulka ay gacanta ku hayaan kooxaha argagixisada ah sida Alshabaab aad bay xaaladoodu u liidataa. Waxaa lagu qiyaasi karaa in uugu yaraan 70% shacabka Soomaaliyeed ay saameysey abaartu waayo, dhamaan dadkii raacatada ahaa iyo kuwii beeralayda ahaaba way ku baahday abaartu. Dawalddu waxay ku qiyaaseysaa in dad gaadhaya ilaa 7 malyuun oo abaartu u saameysey si toos ah ama dadban ay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah.

Wararka gobollada ka imanaaya waxay xaqiijinayaan in xoolo badan dhinteen, kuwo kalana laga rajo xun yahay siiba xoolaha nugulka ah. Sida uu ku warrammay xafiiska xiriirka bani-aadaminimo ee qaramada midoobay ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku tilmaamay in roob la’aanta labadii xilli ee la soo dhafay ay ka dhalatay in xelligii ugu qallalnaa uu soo maro dalka tan iyo 1950, iyadoo waliba hay’addaas ka deyrisay sannadka 2012.

Guddiga gurmadaka Abaaraha ee dawladdu magacowdey iyo Wasaaradda caafimaadku wuxuu xaqiijiyey in ilaa hadda ay soo  gaadheen magaalo madaxda qiyaas dhan 10,000 oo qoys oo aad xaaladoodu u liidato siiba caruurta iyo waayeelka. Maalmahii la soo dhaafay waxaa magaalo madaxda soo gaadhayey qiyaasta in u dhexeysa 250-300 oo qoys.

Xaaladda abaaraha waxaa sii xumeeyey dalka oo kala go’an oo ay adag tahay in dadka wax loogu qabto goobaha ay ku sugan yihiin, iyo in xilligii ku haboonaa loo gurmado dadka. Waxaa xaaladda aad u sii murgiyey xukunka naxiis darrada ah ee Ururka Al-shebaab oo diiday in wax gargaar ah hore loo gaarsiiyo dadka baaba’aya ee degen goobaha ay gacanta ku hayaan, taasoo keentay in hay’adihii khayriga ahaa ka baxaan dalka.

 III. Gargaarka loo baahan yahay

Gargaarka degdega loogu baahan yahay waxaa ugu horreeya:

  1. Cunto: mid guud iyo mid gaar u ah  caruurta iyo dadka nafaqada darrada u liita (General Food and Supplementary Food).
  2. Biyo :
  3. Caafimaad iyo beyad caafimaad
  4. Hoy ku meel gaadh ah (Temporary Shelter).
  1. IV. Sida ugu habboon ee gargaarka loo gaadhsiin karo dadka:

Gobolka banaadir waxaa loo qoondeeyey dhul balaadhan oo dadka liita lagu xannaaneeyo, hay’adaha samafalkuna ka hawlgali karaan.

Goobollada kale waxaa gargaarka la soo marin karaan dalalka dariska ah sida Kenya, Ethiopia iyo Jibouti. Xadka ballaadhan ee Soomaaliya la leedahya gobolladaas waxay sahlaysaa in gobollo badan gurgmadka laga soo gaadhsiiyo dhinaca xuduudaha. Maadama hore go’aan loogu gaadhay IGAD in dadka la badbaadiyo, dawladaha darisku way soo dhaweynayaan gurmadka dhinacooda la soo marinayo, dawladda ku meel gaadhka ah diyaar bay u tahay in gacan ka geysato arrintaas.

  1. V. Tallaabooyinkii Ilaa hadda la qaaday

1.Guddiga Qaran:

Waxaa la abuurey guddi heer qaran ah oo qiimeyn degdeg ah ku sameeya xaaladda abaarta, guddigaas oo ka kooban:

1. Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga;

2. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka;

3. Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska;

4. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha;

5. Wasiirka Wasaarada Maaliyadda;

6. Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska;

7. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.

2. Abuurista Xafiiska maamulka Abaaraha:

Waxaa la abuurey Xafiis gaar ah oo haga iskuna dubarida gurmadka abaaraha. Xafiiskaas oo hoos tagaya Raisul wasaaraha waxaa awoodiisa lagu caddeeyey dekreetada lagu abuurey.

3. Cunto Qaybin:

Waxaa la billaabay in cuntooyin degdeg ah loo qaybiyo dadka aadka u liita ee magalada daafaheeda soo gaadhey. Cunta qaybinta waxaa barbar socda qiimeynta xaaladda iyo tirakoobta dadka tabaalaysan.

  1. Qoondeyn Dhul Degaan:

Waxa loo qoondeeyey dhul ballaadhan oo ku aadan aagga Jaziira oo ay si ku meel gaadh ah u dagaan dadka soo bara kacay inta ay uga suuragalayso inay dhulkoodi ku laabtaan. Xafiiska maamulka iyo Guddigu Abaaraha waxaa laga filayaa inay ku diyaariyaan deegaankaas wixii loo baahnaa sida amniga, caafimaadka iyo biyaha, hayadaha samafalkana la kaashaadaan baahir tirka dadka tabaaleysan.

  1. Xisaabaad u gaah:

Waxaa Bankiga Dhexe looga furay Abaaraha xisaabaha  soo socda oo tababarucaad gude iyo dibad lagu soo shubi karo:

A)     US Dollar Account # 750:  Bankiga Dhexe

B)     So. Shiling Account # 749: Bankiga Dhexe

C)     US Dollar Account # 8495 Dahabshiil

Iyadoo la og yahay dhaqaale yarida dawladda, haddana xaalladda ba’an darteed Xukuumaddu ku deeqday lacag dhan $500,000 oo lagu shubay Xisaabta ee Bankiga Dhexe si loogu billaabo hawlaha degdegga ah.

  1. VI. Cosi loo jeedinayo caalamka iyo shacabka Soomaliyeed.

Baaxadda Abbartan leedahy waa mid aad uga qira weyn tabarta Soomaalida,  saameyn xoog lehna ku yeelyansa xaaladda guud es shacabka sida:

  1. Macluul fara badan
  2. Barakac aan xad lahyn
  3. Cudurrada faafa oo qarka loo saran yahay inay dillaacaan.
  4. 4. Magaalada muqdisho oo halis ugu jirtaa inay gabto nolosha caadiga ah dadka faraha badan ee u soo qaxaya darteed taasoo keentay in khidmadaha caafiaadka, biyaha, iyo nadaafadda guud ka badato awoodda hadda jirta oo awlaba liidatay.

Codsi Guud:

Iyadoo la tixgelinayo baaxadda abaarta oo ah mid aad uga qiro weyn in Soomaalidu kaligood wax ka qabtaan iyo xaaladda dalku ku sugan yahay ee kor lagu soo tilmaamay, Xukuumadda Federalka ah ee KMG ah waxay ka codsanaysaa Caalamka  in loo soo gurmado shacabka halista ugu jira inay baaba’aan. Sidoo kale Xukuumaddu waxay Shacabka Soomaaliyeed meel kastoy joogaanba ka codsanaynaa inay u soo gurmadaan badbaainta walaahooda tabaalaysan.

Codsigan waxaa loo kala dirayaa:

  1. Dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobay,
  2. Dawladaha IGAD
  3. Jaamaccada Carabta,
  4. Ururada Khayriga ah ee Wadamada islaamka,
  5. Hay’adaha Samafalka ee Caalamka (INGOS),
  6. Dawladaha Caalamka ee daneeya bini’adamnimda
  7. Ummadda Soomaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadda.

 Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka KMG Soomaaliya
Shariif Sheekh Axmed