Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad ay iyo xubno ka mid ah qaybaha ciidamada & madax ka tirsan dawlada KMg ayaa maanta booqasho ku tagey degmada Dayniile oo ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Shabaabka & ciidamada DKMG oo kaashanaya kuwa AMISOM.

Booqashada Sheekh Shariif ee degmada Dayniile ayaa loo fasirtey dhuulatus uu ku muujinayo guulaha dagaaladii ugu dambeeyey ee deegaankaasi ay ka gaareen ciidamadiisa iyo kuwa AMISOM, waxaana uu u hambalyeeyey ciidamada dawlada & kuwa AMISOM oo uu sheegay inay guulo wax ku ool ah ka gaareen sida uu sheegay dagaalada ka dhanka AL-Qaacida & Al-Shabaab.

Sheekh Shariif intii uu booqashada ku joogay aaga dagaalka ee Dayniile wuxuu warbixino ka dhageystey saraakiisha ciidamada oo ay ugu horeeyo Abaanduulaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Cabdi Kariin Yuusuf (Dhaga-badan) oo ka warbixiyay guulaha ay gaareen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM iyo goobaha ay hada joogaan .

Madaxweynaha ayana ugu baaqay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM in ay u dhabar adeegaan ayna wadaan hool galada lagu sugayo Amaanka Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan tan Dalka Soomaaliya.

Link VIDEO hoose ka daawo booqashada Sheekh Shariif ee aaga dagaalka isagoo ku labisan tuutaha ciidamada.
HALKAN KA DAAWO VIDEO

DAAWO SAWIRADA