Muqdisho: Madaxweynaha Dowlada KMG Ah Ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa lagu Soo waramaya In Magaalada Djabuuti uu Kulan Kula qaatay Dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gheele,iyadoo kulankooda lagu Soo qaaday xaalada Amaanka ee dalka Somaliya.

Madaxweynaha iyo wafdi uu Hogaaminayo oo Ku Sugan dalkaasi Ayaa sidoo kale waxaa ay ka qeyb galeen  Xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhowaan ku guuleystay doorashada dalkaas markii 3aad.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dhubad Rooble oo dhowaan Madaxweynaha u gudbiyay waraaqda casuumaada ayaa qeyb ka ahaa safarkii Wafdiga Madaxweynaha, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti C/raxmaan Guulwade ayaa sheegay in kulanka maanta ay yeelanayaan Labada Madaxweyne ay diirada ku saarayaan xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay in socdaalka Madaxweyne Shariif uu qeyb ka yahay safaradii todobaadkii hore uu ku agay dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Ugu dambeenti,Dowlada Jabuuti Ayaa waxaa ay Kamid tahay wadamada sida Aadka Ah u taageersan Dowlada KMG Ah Ee Somaliya Iyado markan Aan la Ogeen Sida u wax uga badali doono siyaasadii Uu Kula Dhaqmi jiray Somaliya Mr Ismaaciil Cumar oo Markii sedexaad Ku guulaysatay Doorshada Madaxtinimada dalka jabuuti.

Maxamed Xaaji Xasan Abuukar
Maxamed555@hotmail.com.