Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadley dilkii Mareykanku ay sheegeen inay u geysteen hogaamiyaha shabakada Al-qaacida Osama Bin Ladin.

Sheekh Shariif oo kulan la qaatey gudiga amaanka qaranka ayaa sheegay in dawlada KMG ah ay soo dhaweynayso dilka Bin Ladin, isagoo sheegay in Osama uu ka dambeeyey sida uu sheegay dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.

Kulankaasi oo sidoo kale ka qayb galey Ra’isalwasaaraha dawlada FKMG ah ee Soomaaliya waxaa lagu muujiyey sida Dawlada Soomaaliya u soo dhaweynayso dilka Bin Ladin.

Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu ku tilmaamay Osama Bin Ladin in uu doonayey in Soomaaliya uu ka dhigto meel uu kaga duulo wadamada caalamka, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan nabadgalyada dalka.

Hadalka Sheekh Shariif atyaa ku soo aaadaya iyaodo madaxweynaha Mareykanka uu xaqiijiyey in ciidamada Mareykanka ay dileen Osama Bin Ladin oo ahaa hogaamiyaha shabakada Al-Qaacida.

SBC News Desk