Madaxweynaha dawlada FKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka degay magaalada Jibuuti ee caasimada Jibuuti iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyey.

Warar SBC ay ka heshay ilo ku dhaw xafiiska Sheekh Shariif ayaa xaqiijinaya in Madaxweynuhu uu ka qayb galayo xaflad balaaran oo ku aadan calaamo saarka & dhaarinta madaxweynaha Jibuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo bishii hore ku guuleystey doorashadii madaxtinimo ee wadankaasi ka dhacdey.Xafladan oo qaban qaabadeedu ka socoto wadanka Jibuuti waxaa la filayaa in ay sidoo kale inay ka soo qayb galaan madaxweyneyaal iyo madax kale oo ka tirsan wadamada saaxiibka la ah Jibuuti.

SBC News Desk