Muqdisho-Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay si buuxda uga hadley gudigii doorashada madaxweynaha ee uu dhawaan magacaabay Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sheekh Shariif wuxuu farta ku fiiqay in guud ahaanba aanay wax sharci ah in qof musharax ah uu gudi magacabo gudi waxaana uu ku tilmaamay talaabada magacaabista mid aan ku imaan nidaamka sharciga ah.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dawlada KMG ah ay haatan ku jirto dagaal & olole balaaran oo ay uga soo horjeedo kooxaha Shabaabka isla markaana aan loo baahneyn in lagu mushquuliyo doorasho xiligan oo la doonayo in Shabaabka dalka laga xoreeyo sida uu Sh. Shariif.

Tani waxay ku soo aadaya iyadoo dhawaan gudoonka Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya uu soo magacaabay gudi ay sheegeen in uu soo diyaarinayo qaabka doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyadoo Shariif Xasan Sheekh Aadan uu dhawaan shaaciyey inay socdaan qabashada codsiyada musharaxiinta tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Hadaladan iska soo horjeeda ee ay jeediyaan Labada Shariif ayaa u muuqanaya mid sii murjuniya khilaafka labada nin oo haatan marayo halkii ugu sareysay, iyadoo ay muuqanayso in la isku adeegsanayo arimo qaanuun ama dastuuri ah.

SBC News Desk