Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtey magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadley weerarkii qarax ee maanta lagu beegsadey xarunta wasaaradaha dawlada KMG Soomaaliya waxaana uu sheegay in qaraxaasi dadka ku geeriyoodey inay u badnaayeen ardey doonaysay waxbarasho dibada ah, isagoo sheegay in uu ga tacsiyeynayo eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii wax ku noqdey qaraxa.

Sheekh Shariif ayaa ku tilmaamay sheegashada masuuliyada qaraxaasi ee Al-Shabaab inay ka dhigan tahay sida hadalka uu u dhigay awoodooda oo sii diciifaysa, waxaana uu sheegay in dawladiisu ay jawaab ka bixin doonto falkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaraxaasi Al-Shabaab u adeegsatey sida uu sheegay Kiimiko gubaysa jirka bini’aadamka, wuxuuna balanqaadu sameeyey in dalka dibadiisa daaweyn loogu qaadi doono dadka qaba dhaawacyada halista ah ee qaraxaasi wax ku noqdey.

Linka Audio hoose ka dhageyso shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha.

Halkan ka dhageyso

Axmed Aar
SBC Muqdisho
ahmedaar@live.com